HomeAll newsCabdi Diiriye: "In Mar Walba Madaxda Looga Yeero Adis-ababa Waxay Ku Tuseysaa...

Cabdi Diiriye: “In Mar Walba Madaxda Looga Yeero Adis-ababa Waxay Ku Tuseysaa In Nala Heysto” (Dhageyso)

4Cabdi Diiriye Cigaal oo kamid ah saraakiishii hore ee wadanka kuna sugan dalka dibaddiisa ayaa wareysi uu siiyay idaacadda islaamiga ah ee Al-furqaan uga waramay socdaalka uu Cabdiwali Gaas ku tagay magaalada Adis-ababa kadib markii loo yeeray.

Wuxuu sheegay in Cabdiwali kaliya aanu ahayn kuwa ay madaxda Xabshidu u yeeraan balse ay arrintan kala siman yihiim dhammaan madaxda maamul goboleedyada iyo kuwa DF.

Cabdiwali ayaa waxa uu la kulmay wasiirka arimaha dibadda Itoobiya iyagoo ka wada sheekeystay waxa loogu yeero 4.5 oo uu Cabdiwali diidanaa halka ay Xabashidu doonayaan nidaamkaas, si ummada loo kala qeybiyo.

Cabdi Diiriye ayaa ummada Soomaaliyeed ugu baaqay iney fadhiga ka kacdo oo inta goori goor tahay u istaagto baadi goobka madax bannaanideeda, wuxuuna ka digay in lagu sirmo madax maqaar saar ah oo looga taliyo Adis-ababa.

Halkan Ka Dhageyso Wareysiga Cabdi Diiriye Cigaal

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular