Dalka Uganda waxaa khamiista barito ah ka billaabanaysa doorashada madaxtinimo iyadoo uu loollan xooggan ka dhaxeeyo dadka murashaxiinta ah.
Dadka u dhuun daloola siyaasadda wadankaas ayaa si aad ah u falanqeynaya sida ay noqon karto natiijada doorashada iyo mustaqbalka wadanka Uganda oo kamid ah dalalka ay ku adeegato dowladda Mareykanka.
Suldaan Maxamad Gar Yare oo ah aqoon yahan Soomaaliyeed ayaa waxa uu si qoto dheer uga hadlay taariikhda dalkaas iyo siyaasiga kusoo bixi kara doorashadan.