Dowladaha Ruushka iyo Iiraan oo si aan qarsoodi lahayn uga dagaallama dalka Suuriya, iyagoo difaacaya jiritaanka Nidaamka Bashaar Al-Asad ayaa wajahaya Khasaare xoogan oo soo gaaraya Ciidamadooda kolk ay ka qayb qaadanayaan howlgallada Militeri.
Todobaad kasta Warbaahintu waxay soo gudbisaa warar sheegaya in tiro Askar ah oo katirsan Ruushka iyo Iiraan dhinteen, inkastoo Xukuumadahaas aysan si toos ah u sheegin, balse waxaaa xaqiiqada la ogaadaa mar dambe.
Maalintii shalay waxaa dalka Suuriya lagu dilay Saraakiil sar sare oo kaitrsan labadaas dowladood, kuwaas oo ku sugnaa Jabhadaha dagaalka.
Saraakiil sar sare oo aan tiradoodu la cayimin ayaa lagu dilay magaalada Salma ee gobolka Allaadqiyah, kadib markii kooxaha Mucaaaradku gantaal la heleen Gaar yar oo ay saarnaayeen, waxaana Saraakiisha dhintey ay isugu jireen Ruush iyo Iiraan.
Dhanka kale war kasoo baxay Wasaaradda gaashandhiga Ruushka ayay ku sheegtay in La taliye Militeri looga dilay dalka Suuriya, kadib markii uu madfax xoogan uu kusoo dhacay goob uu Ciidamo ku tababarayay.
Wasaaradda oo ka gaabsatay gobolka Sarkaalkaaas lagu dilay ayaa sheegtay in madfacaas ay soo tuurtey dowladda Islaamiga oo Ciidamadeedu khadka difaaca ee uu Sarkaalku joogay ku sugneyd.
Maleeshiyaadka Calooshood u shaqeystayaasha ah ee katirsan Iiraan iyo kuwa Ilaalada Kacaanka ayaa ku dhiig baxaya dagaallada Malaaximta ah ee Shaam ka socoda, waxaana tiradooda marka la isku geeyo lagu qiyaasaa kumanaan Askari, halka Ruushku Tobanaan la dhihi karo inta uga dhimatay dagaallada wali ka soconaya dalka Suuriya.