Afhayeenka ciidamada Xarakada Mujaahidiinta AL-Shabaab Sheekh C/Caziiz Abu Muscab oo wareysi gaar ah siiyay idaacadda islaamiga ah ee Al-Andalus ee ku hadashay afka mujaahidiinta ayaa digniin culus u jeediyay cid walba oo kamid noqota dowladda islamarkaana aanan ka towbad keenin.
Hadalkan digniinta ah ayaa waxa uu jeediyay xilli uu ka war bixinayay weeraradii cuslaa ee ka dhacay Afgooye iyo Lafoole, wuxuu sheegay in weeraradaasi ay ku qabsadeen gaadiid dagaal iyo hub badan sidoo kalana ay ku dileen askar badan oo dowladda ah.