Wararka ka imaanaya magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ayaa ku waramaya in rag hubeysan oo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay toogteen askar katirsan ciidamada Ps-ta dowladda.
Askartan ayaa lagu dilay degmada Dharkeenlay ee gobolka Banaadir, waxaana midkood lagu magacaabi jiray Asad, iyagoo kawada tirsanaa ciidanka sirdoonka dowladda.
Ragga dilka geystay ayaa goobta si nabad ah isaga tagay, markii ay howshooda fuliyeen, waxaana goor dambe goobta soo gaaray askar kale oo qaaday meydka saaxibadooda.
Dilalka qorsheysan ee ka dhacaya magaalada Muqdisho ayaa sii kordhaya, kuwaas oo loo geysanayo xubnaha katirsna dowladda federaalka.