HomeAll newsSarkaal sare oo katirsan dowladda Oo Qarax lagu dilay.

Sarkaal sare oo katirsan dowladda Oo Qarax lagu dilay.

Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha dhexe ayaa ku waramaya in qarax xoogan lala eegtay kolonyo katirsan ciidamada dowladda oo ay la socdeen saraakiil sar sare.

Qaraxyo xoogan ayaa kolonyada ciidamada dowladda lala eegtay xilli ay marayeen meel u dhow magaalada Balcad ee gobolka Shabeellaha dhexe.

Sarkaal saddex xidigle ah oo lagu magacaabo Jiinow Cigaal, kana mid ah saraakiisha ciidamada dowladda ee caanka ka ah gobolka ayaa la xaqiijiyay inuu dhintay.

Sarkaal kale oo katirsan ciidamada dowladda iyo askar kale ayaa iyaguna dhaawacyo xoogan soo gaareen.

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda qaraxyadan khasaaraha adag dhaliyay.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular