Saacadihii lasoo dhaafay, howlgallo kala duwan ayaa ka dhacay gobollada Shabeellaha hoose, Shabeellaha dhexe, iyo Baay iyo bakool, kuwaas oo ay fuliyeen ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.
Ciidamo aad u hubeysan oo katirsan Mujaahidiinta ayaa duulaan ballaaran xalay ku qaaday difaacyada ciidamada maamulka Koonfur-galbeed ay ku leeyihiin degmooyinka Qansaxdheere iyo Bardaale.
Dagaalka wuxuu ahaa mid xoogan, in muda ahna soconayay, iyadoona labada dhinac ay isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan, lamana helin khasaaraha rasmiga ee ka dhashey dagaalkaas.
Dhinac kale, rag katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa degmada Mahadaay ee Shabeellaha dhexe, waxay ku dileen askari caan ah oo katirsan maamulka Hir-Shabeelle.
Askarigan ayaa caan ka ahaa Mahadaay, waxaana laga qaatay qorigii uu ku hubeysnaa.
Sidoo kale, masuul katirsan wasaaradda beeraha ee dowladda federaalka ayaa lagu toogtay degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha hoose.
Cismaan Xaaji Qaasim oo ahaa xubin katirsan wasaaradda Beeraha ayaa lagu dilay Afgooye, raggii dilka geystana goobta ayay isaga tageen.