HomeAll newsMalleeshiyaadka Liyu Boliska oo dad ku qafaashey Hiiraan.

Malleeshiyaadka Liyu Boliska oo dad ku qafaashey Hiiraan.

Qeybo kamid ah gobolka Hiiraan, waxaa malleeshiyaadka Liyu Police-ka ee ka amar qaata ciidamada Itoobiya ay ku qafaasheen dad shacab ah, kuwaas oo aan waxba galabsan.

Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in malleeshiyaadka Liyu Police-ka ay qafaasheen ugu yaraan toban ruux oo ahaa dad beeralay ah, xilligaasna ku sugnaa deegaankooda.

Dadkan ayaa laga qafaashey deegaan lagu magacaabo Xuday Wagle oo qiyaastii 35KM wuqooyi kaga beegan magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, waxaana lala aaday dhinaca Feerfeer.

Marar badan, ciidamada Amxaaro kalkaalka ah ayaa fuliyay howlgallo raaf ah oo ay ku qabteen dad shacab aan waxba galabsan.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular