HomeAll newsSaakow iyo sida loooga ciiday (Bar=Gaar+Sawiro)

Saakow iyo sida loooga ciiday (Bar=Gaar+Sawiro)

iyadoo dunida muslmiinta maanta si weyn looga ciiday ayaa wilaayaatka islaamiga ah ee soomaaliya maanta waxay ahaayeen kuwo ciidoodu aad u heer sareyso.

Degmada saakow ee gobalka jubada dhexe ayaa ka mid ah meelaha farxadda derejadeedu koreyso lagu ciiday.

Saakow waxay ka mid tahay magaalooyinkii ugu horeeyay ee xarakada shabaabul mujaahidiinta markii ay hana qaaday laga dhaqan geliyay ku dhaqanka shareecada islaamka dhowr yo toban sano ayayna dadkeedu ku ciidayaan calanka tawxiidka hoostiisa.

Maanta oo ah 1 bisha shawaal 1440-ka taariikhda hijriga geesta kalena ku beegan 04 06 2019 waxaa fagaare magaalada ku yaal isugu yimid qaybaha kala duwan ee bulsahda halkaasoo ay ku oogeen salaadda ciidda.

Saraakiil iyo ciidamo ka tirsan xarakada shabaabul mujaahidiin ayaa dadka salaadda la tukaday iyadoo ciidamaduna magaalada dhoola tus ku soo bandhigeen.

Sheekh fu’aad maxamed khala oo ka mid ah culumada mujaahidiinta ayaa salaadda kadib halkaa ka jeediayay khudbad dhinacyo kala duwan taabaneysa wuxuuna muslmiinta ugu hambalyeeyay ciidda.

Rag hab sunada waafaqsan u lebistan,haween xijaabbo waaweyn isku daday iyo caruur iyaguna sidii waalidkood lebis diinta ku qotomo loo soo xiray ayaa lagu arkayaa magaalada.

Goobaha ganacsiga oo ay ku jiraan kuwa macmacaanada iyo cabitanada lagu gado ayaa ku mashquulsan in ay bulshada wax ka iibiyaan.

Qaar ka mid ah dadka u dabaal degayay farxadda ciidda oo u waramay Idaacadda Islaamiga ah ee alfurqaan ayaa ayaa muujiyay sida ay ugu faraxsan yihiin in ay ku ciidaan magaalo diinta islaamka lagu maamulayo.

Waxay ugu baaqeen dadka weli ka qadsan ku dhaqanka diinta islaamka in ay u soo hijroodaan magaaladaan iyo kuwa la midka ah.

Dhageyso Barnaamij Gaar Ah Saakow iyo sida looga ciiday 1 shawaal 1440

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular