Wareegto ka soo baxday madaxweynaha maamulka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa lagu sheegay in xilkii laga qaaday gudoomyihii gobalka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar Daba-geed.
Isla wareegtada ayaa gudoomayaha gobalka loogu magacaabay Cali Maxamed Caraale oo ka mid ahaa murashaxiintii madaxweynanimada maamulkaasi.
Xil ka qaadista ayaa u muuqata mid deg deg oo daba socata war uu Daba geed sheegay kaasoo ahaa in isaga iyo Maxamed Cabdi Waare uu soo kala dhex galay khilaaf dhaqaalaha la xariira.
Shir jaraa’id oo uu shalay ku qabtay Beledweyne ayuu ku shaaciyay in Waare doonayo in dhaqaalaha dhulka ay heystaan ka soo xarooda uu ku shubto suntuuq furayaashiisu yaallaan magaalada Jowhar arintaasina aanay ahayn mid u cuntameysa.
Waxaa jira warar sheegaya in magaalada Beledweyne maanta ay ka jirto xiisad ka dhalatay xil ka qaadista ka gadaal markii daba geed uu diiday in uu xilka wareejiyo.
Dabageed oo dhowr mar soo noqday gudoomiyaha gobalka Hiiraan ayaa markii xilkaan loo magacaabay horay u sheegay in aanay wax la aqabli kara ahayn in maalin walba qof la magacaabo dabaeedna xilka laga qaado .
Warkaas ayaa u muuqday mid uu gogol xaarayay in uu ka horyimdaado haddii jagada laga qaado.