Gabadhan oo 10 sano jir ah ayaa dhawaan waxaa laga keenaya gobolka Shabeelle ee dhulka Soomaali-galbeed, waxayna hadda ku sugantahay magaalada Godey.
Arinta la yaabka leh ee heysata waxay tahay in mar weliba isheeda laga soo saaro dhegax, aan la ogeyn xilliga uu galay.
Way ooysaa, isha ayayna qabsataa, waxyar kadibna sidii ayay kusoo laabataa, mar welibana dhegax ayaa laga saaraa, waxaana dadka ay ku tilmaameen arin mucjiso ah.
Sida ay sheegeyso haweeney habaryar u ah gabadha, mararka ugu badan ee arimahan qabtaan waa marka ay suuliga galeyso, waxaana dhici karta iney yihiin shayaadiin iyo Jin, iyadoona ay haboontahay in marka suuliga la galayo la akhriyo adkaarta soo aroortey.
Halkan ka dhagyaso Warbixin Gabar Dhibane ah oo ku nool magaalada Godey