HomeAll newsAskar katirsan Ciidamada Dowladda Oo lagu dilay Shabeellaha Hoose.

Askar katirsan Ciidamada Dowladda Oo lagu dilay Shabeellaha Hoose.

Ciidamo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa qeybo kamid ah gobolka Shabeellaha hoose waxay ka fuliyeen howlgal gaar ah oo lagu dilay askar katirsan ciidamada dowladda federaalka.

Deegaan u dhow Nambar 50, waxaa ka dhacay weerar qarax ah oo ay fuliyeen ciidamo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, waxaana lala eegtay askar katirsan kuwa dowladda federaalka.

Ugu yaraan 3 askari oo katirsan ciidamada dowladda ee la qarxiyay ayaa la xaqiijiyay dhimashadooda, waxaana gebi ahaanba burburay gaari ay saarnaayeen.

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda Weerarkan khasaaraha lagu gaarsiiyay ciidamada dowladda federaalka, waxaana uu weerarkan ku daba feylayaa silsilado weeraro ah oo Shabeellaha hoose ku beegsanaya ciidamada dowladda iyo kuwa Shisheeyaha.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular