HomeAll newsCiidamada Kenya Oo lagu weeraray Xad beenaadka.

Ciidamada Kenya Oo lagu weeraray Xad beenaadka.

Wararka ka imaanaya gobolka Jubada hoose ayaa ku waramaya in ciidamo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhig ciidamada Kenyaatiga ku leeyihiin deegaan hoosyimaada degmada Dhoobley ee dhacda xuduud beenaadka.

Ciidamo aad u hubeysan oo katirsan milliteriga Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa xalay weerar culus ku qaaday saldhig ciidamada Kenyaatigu ku leeyihiin deegaanka Dhija Buula oo hoostaga degmada Dhoobley ee gobolka Jubbada hoose.

Dagaalka waxaa la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana ciidamada Xarakada Al-Shabaab u suuragashey iney la wareegaan guud ahaan saldhiga.

Askartii Kenyaatiga ee saldhiga ku sugnaa ayaa cagaha wax ka dayay, waxaana deegaanka isaga soo baxay aroornimadii hore ciidamada Mujaahidiinta.

Inta badan waxaa deegaannada dhaca xuduud beenaadka Soomaaliya iyo dhulka ay Kenya xooga ku heysato ka dhaca weeraro qorsheysan oo ay fuliyaan ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, kuwaas oo lala beegsado askarta Kenyaatiga iyo kuwa Soomaalida.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular