HomeAll newsDibad Baxyo Ka Dhan Ah DF oo Maalintii Labaad Ka Dhacay Muqdisho.

Dibad Baxyo Ka Dhan Ah DF oo Maalintii Labaad Ka Dhacay Muqdisho.

 

Dibad baxyo horleh ayaa malintii labaad kasocda magaalada muqdisho kuwaasoo looga soo horjeedo DF ee uu hogaamiyo Farmaajo .

Dibad baxyada ugu badan waxaa dhigaya wadayaasha gaadiidka gaar ahaan ku gawarida BL-Ka loo yaqaano.

Waxay ka cabanayaan jidadka ay dowladdu ku goosatay dhagxaanta iyo ganjooleeyinka. Sidoo kale waxay cabashadoodu daarran tahay canshuuro hor leh oo lagu soo rogay taasoo ay sheegeen ineysan bixin karin.

“Gawaarideena ma heystaan wadooyin ay kushaqeeyaan oo ay maraan haddana dowladdu wexey naga doonysaa lacago canshuuro mana ahan wax isqabta mana suura galeyso ayaa kamid ah hadallada isku soo baxayaasha”

Darawalada dibad baxyada dhigayay ayaa u badan kuwa ka shaqeeya Xamarwene iyo Madiina, waxaana ay maanta isku soo baxooda ka dhigeen buundooyinka isku xira Xamar-jajab iyo Waabari.

Masuuliin xilal kasoo qabtay DF oo ay kamid yihiin Shariif Sheekh Axmad iyo Muungaab ayaa madaxda dowladda ku eedeeyay iney bulshada galiyeen ciriiri adag kadib markii ay wadooyinka ka xirteen.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ee lagu baddalay C/raxmaan Yariisow, ayaa horey u ballan qaaday inuu furayo wadooyinka xiran mana ka dhabayn ballantaas culeysyo kasoo wajahay ciidamada shisheeye ee Xalane deggan awgood.

Isku soo baxyada maanta oo Axad ah dhacay ayaa kusoo aadaya iyadoo shalay oo Sabti ahayd sidan oo kale ay dibad baxyo xooggan ka socdeen qaar kamid ah degmooyinga magaalada muqdisho kuwaasoo looga soo hor jeeday xirnaanshaha wadooyinka iyo canshuurta xad dhaafka ah.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular