Maxamuud Maxa’ed Macallim oo kamid ah beeraleyda gobolka Jubbada Dhexe ayaa waraysi dhinacyo badan taabanaya oo uu siiyay Idaacadda islaamiga ee Al-Furqaan wuxuu kaga hadlay xilliga Deyrta iyo dalagyada ugu badan ee ay beertaan.
Wuxuu sheegay Maxamuud in xilligan oo kale ay dadka intooda badan beertaan Sisinta, Galleyda iyo digirta, kuwaas oo uu sheegay iney leeyihiin faa’idooyin muhiim ah.
Talooyin muhiim ah oo dhaxalgal u ah beeralayda Soomaalida ayuu sidoo kale usoo gudbiyay dadka, isagoona ugu baaqay iney ku dadaalaan tacabka.