Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa fuliyay howlgallo khasaare lagu gaarsiiyay askarta dowladda federaalka ee ku kala sugan deegaannada Ceel Saliini iyo Baar Sanguuni oo ka kala tirsan gobollada Shabeellaha Hoose iyo Jubbada hoose.
Qarax ka dhacay deegaanka Ceel Saliini ee Shabeellaha hoose ayaa lala beegsaday ciidamo katirsan kuwa dowladda federaalka, waxaana ka dhashey khasaare isuga jira dhimasho iyo dhaawac.
Inta hadda la xaqiijiyay waxaa dhintay 2 askari, halka mid kalena uu soo gaaray dhaawac halis ah, waxaana qaraxa kadib rasaas jihooyin kala duwan u riday ciidamada dowladda federaalka.
Dhanka kale, guutooyinka madaafiicda ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa duqeyn ku garaacay saldhig ciidamada maamulka Jubbaland iyo kuwa Maraykanka daacad u ah ku leeyihiin deegaanka Baar Sanguuni ee Jubbooyinka.
Waxaa lagu soo waramayaa in askari uu ku dhaawacmey duqeyntaas.
Ma ahan markii ugu horeysay oo saldhiga ciidamada maamulka Jubbaland ee Baar Sanguuni madaafiic lagu garaaco, mana ahan sidoo kale markii ugu horeysay oo Ceel Saliini qaraxyo lagula beegsado askarta ciidamada dowladda federaalka.