Mu’assasada warbaahineed ee Al-Kataa’ib oo ku hadasha afka Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa ballanqaaday iney goordhow baahin doonto filim cusub oo lagu soo bandhigayo weerarkii Bellidoogle.
Filimka ayaa waxaa kasoo muuqanaya markii ugu horeysay Amiirka Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab Sheekh Axmed Cumar Abuu Cubeyda, kaas oo sagootinaya ragga qaaday weerarka Bellidoogle.
Filimku wuxuu kusoo bixi doonaa 3 luuqadood oo kala ah Carabi, Soomaali iyo English.