Wadanka Urdun ee dhaca dhulka Shaam waxaa ka dhacay weerar mindi loo adeegsaday, kaas oo lagu qaaday dalxiisayaal cadaan ah oo ku sugnaa wadankaas.
Weerarka waxa uu ka dhacay mandiqad loo dalxiis tago oo lagu magacaabo Jarsh oo dhacda wuqooyiga magaala madaxda ee Cummaan.
Qof dhalinyaro ah oo mindi ku hubeysan ayaa galay goob ay usoo dalxiis tagaan Ajaaniibta, wuxuuna mindi la dhacay dhowr qof, taas oo keentay iney goobta ka dhalato waxyeello kala duwan.
Ugu yaraan 3 ruux ayuu dhaawacay, kuwaas oo ay ku jiraan labo haween ah, qaarkoodna waxay kasoo jeedaan wadanka Maxico.
Dowladda Urdun ayaa si kulul u cambaareysay weerarkan, waxaana fuliyaha weerarka gacanta ku dhigay ciidamada Amaanka, iyadoona dadkii dhaawacmey diyaarad lagu keenay magaalada caasimadda ah ee Cummaan.
Urdun, waxaa ku yaala deegaanno ku wanaagsan dalxiiska, kuwaas oo sanadkiiba ay yimaadaan kumanaan ruux oo u badan Ajaaniib reer galbeed ah, waxaana weerarkan mindidada loo adeegsaday uu halis gelin karaa Dalxiiska.