Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha hose ayaa ku waramaya in qarax xoogan oo ka dhacay degmada Afgooye lagu dilay gudoomiye ku xigeenkii dowladda federaalka ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Gaari uu watay Cumar Maxamuud Cilmi oo ku magac dheer Cumar Carrabey, ahna gudoomiye ku xigeenkii gobolka Shabeellaha hoose.
Sida ay xaqiijinayaan wararka aan heleyno, Cumar Carrabey ayaa ku geeriyooday qaraxa, iyadoo ay la dhinteen ugu yaraan 2 askari oo kamid ah ilaaladiisa.
Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda dilka gudoomiye ku xigeenkii gobolka Shabeellaha Hoose ee dowladda federaalka.
Maamulka Dowladda Federaalka ee gobolka ayaa isagana ka hadlay qaraxa lagu dilay masuulkan katirsanaa maamulkooda, waxayna sheegeen iney ka xunyihiin oo ay cambaareynayaan.
Dad badan ayaa sheegaya in Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab aaney ka daalin beegsiga madaxda dowladda federaalka, halka dowladdana aaney ka daalin cambaareynta.