Qarax xoogan ayaa gaari nooca Cabdi bilaha oo ay saarneeyeen ciidamo katirsan dowladda federaalka waxaa lagula eegtay agagaagrka jaamacadda Shabeelle ee duleedka magaalada Muqdisho.
Qaraxa ayaa si adag u haleeley gaariga, waxaana dhimasho iyo dhaawac noqday askartii saarneyd.
Goojoogayaal ayaa soo sheegay iney arkayeen gaari nooca Ambalasta ah oo soo gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay, kaas oo qaaday meydad iyo dhaawacyo katirsan ciidamada dowladda federaalka.
Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda qaraxan lagu weeraray ciidamada dowladda federaalka.