HomeAll newsVideo+Sawirro: Sh Abuu Cubeyda Oo Kasoo Muuqday Filim Cusub Isagoo Sagootinaya raggii...

Video+Sawirro: Sh Abuu Cubeyda Oo Kasoo Muuqday Filim Cusub Isagoo Sagootinaya raggii weeraray Balidoogle.

Mu’asasada Alkataa’ib garabka warbaahineed ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa soo saartay Muuqaal la daawan karo in ka badan 50 daqiiqo kaas oo lagu faaqidayo duullaankii lagu qaaday xerada ugu weyn ee ciidamada Mareykanka ay ku leeyihiin Soomaaliya dabayaaqadii bishii Sept ee la soo dhaafay.

Filimkan ayaa ugu horreyn lagu soo bandhigayaa gabood fallada iyo tacadiyada uu Mareykanku ku hayo Muslimiinta caalamka iyo kuwa ku nool Soomaaliya waxaana ka soo muuqanaya dhibanayaal dhowr ah oo ehelladooda ku waayay duqeymaha wuxuushnimo ee uu Mareykanku ku hayo dadka Soomaaliyeed ee Muslimka ah.

Shacabka Mareykanka.

Muuqaalka waxaa ku lifaaqan kalimad uu jeedinayo amiirka Xarakada Al-Shabaab Sheekh Axmad Cumar Abuu Cubeyda kaas oo fariimo adag u diraya shacabka Mareykanka islamarkaana ku goodinaya in ay guran doonaan miraha qaraar ee duullaankooda.

“Hadaba waxaan rabaa inaan halkan fariin uga diro shacabka Mareykanka ee canshuurta ku bixiya gumaadka Ummadeena la dagaalanka diinteena, boobka kheyraadkeena iyo taageerida khawanada Murtadiinta ah ee loogu yeero dowladda Federalka Shacabka Mareykanka waxaan leeyahay: ma isweydiiseen howlgallada uu ciidankiinu ka wado Soomaaliya, marna mala xisaabtanteen xukuumadiina oo ma weydiiseen waxa lagu qabto canshuurta leydinka aruuriyo iyo halka ay ku baxdo, ma isweydiiseen waxa ay AFRICOM ku heyso caruurteena” ayuu yiri Sheekh Abuu Cubeyda.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri “Dowladiina waa tan garab iyo gaashaan u ah taageero, taakuleyn iyo tababar joogta ahna la daba taagan maamulka ridada ee taagta dara Ciidankiina waa kuwa burburiya macaahida ubadkeena tacliinta lagu siiyo, arday quraan akhrisaneysana ku laayay degmada Saakoow Ciidankiinu waa kuwa carruurteena ka afduubtay dugsiyada iyo macaahida, waa kuwa xasuuqay dad aamin ku ah deegaankooda oo isugu jira beeraley, ganacsato, nabadoono, culimo, arday, waayeello, dumar, carruur iyo dad masaakiin ah oo aan waxba galabsan”.

Dowladd Federaalka.

Sheekh Axmad Cumar Abuu Cubeyda, Amiirka Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa sidoo kale soo hadal qaaday taageerada joogtada ah ee uu Mareykanku siiyo xukuumada  uu hogaamiyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, isagoona tilmaamay in canshuurta shacabka Mareykanka lagu taban taabiyo “dolwad ku sheeg hadafkeedu yahay hirgelinta qawaaniinta kufriga”.

“Madaxdiinu waa kuwa dhidibada u taagay dowlad ku sheeg hamigeedu yahay raaligelinta gaalada, fulinta qawaaniintooda kufriga iyo u hogaansanka shuruucdooda. Hogaanka dowlad ku sheega Federalka ayaa ku faana, fagaarahana la taagan inaysan marnaba shareecada Islaamka ku dhaqmin, dawarsiga shisheeyahana ka doorbidaan ku dhaqanka diinteena suuban” ayuu yiri.

Filimka waxaa ka soo muuqanaya madaxweynaha dowladda Federalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo sheegaya in dowladiisu aysan ku dhaqmin diinta Islaamka, islamarkaana aysan lahayn dhaqan Islaam sida uu hadalka u dhigay.

Shacabka Soomaaliyeed.

Amiirka Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, Sheekh Abuu Cubeyda ayaa sidoo kale fariimo dhaxalgal ah u jeediyey dadka Soomaaliyeed ee Muslimka ah kuwaas oo uu ku booriyey inay garab istaagaan wiilashooda Mujaahidiinta ah ee hortaagan duullaanada lagu soo qaaday dalka iyo dadka.

“Umadda Soomaaliyeed waxaan leeyahay: waa kuwan wiilashiina naf iyo maalba u huraya difaaca diintiina, dalkiina iyo dadnimadiina, waa kuwan cadowga idiin duleysanayey dacarta leefsiiyey, xeradoodiina dabka qabadsiiyey, waa kuwaa diiday gumeystaha inay adeecaan, waa kuwaa ku horgudban qorshaha gumeystaha inuu hirgalo, dimuquraadiyadana diiday in dalka lagu maamulo” ayuu yiri.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri: “dhamaan qabaa’ilka Soomaaliyeed ee sharafta iyo gobanimada leh waxaan leeyahay: garab iyo gaashaanba u noqda wiilashiina Mujaahidiinta ah. waa wiilashiinii, idinkey idinka dhasheen, idinkey idiin halgamayaan, diintiiney difaacayaan, dadnimadiiney dhowrayaan ee tolow gaalka nala toogtoo, diinta nala difaaca”.

Weerarkii Balidoogle

Qeybaha dambe ee filimka waxaa ka soo muuqanaya amiirka Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, Sheekh Axmad Cumar Abuu Cubeyda oo kalimad dardaaran iyo sagootin ah u jeedinaya raggii fuliyey weerarkii barakeysnaa ee lagu qaaday saldhigga ugu weyn ee ciidamada Mareykanka ay ku leeyihiin Soomaaliya.

“Allaah tabaaraka watacaala wuxuu maanta idiin doortay inaad dhiigiina ugu nusreysaan diinta Allaah, Umadda Muslimka ahna dulliga uga dulqaadaan. Goobta aad ku socotaan oo aad maanta u qalab qaadaneysaan oo aad u diyaarsan tihiin, oo Muslimiinta wixii taban taabo ah ay idiin awoodeen idiinku bixiyeen, oo wax intaas ka badan oo illaahey aan ku caabudeyno oo aan heysano aanay jirin, goobtaas waa xerada ugu weyn ee Mareykanka ku leeyahay Soomaaliya” ayuu yiri Sheekh Abuu Cubeyda mar uu u khudbeynayey dagaalyahanadii weerarka qaaday.

Wuxuu tilmaamay in xeradaas ay tahay meesha ay kasoo duullaan diyaaradaha drones-ka ee laayey Muslimiinta, iyo taliska ay ka soo foofaan ciidamada Bankrafta xilliyada habeenkii argagaxa iyo gumaadka ka geysta deegaanada Sh/hoose, wuxuuna sheegay inay lama huraan tahay in  laga abaalmariyo gaboodfalada ay geysanayaan.

“hadafka ugu weyn ee aan beegsaneyno waa Mareykan, Murtadiin hadda ma dooneyno, waxa aan u socono oo aan hadda beegsaneyno oo intaan dadaal ah loo sameeyey waa Mareykan, waxaana leydinka rabaa inaad howshaas iyada ah sugtaan oo aad Allaah u talo saarataan” ayuu yiri.

Dagaalyahanada oo ah kuwa aad u qalabeysan ayaa hareeraha ka fadhiya Amiirka, waxaana wejigooda ka muuqda farxad iyo xamaasad xad dhaaf ah oo muujineysa sida ay ugu faraxsan yihiin inay qaadaan duullaan ka dhan ah ciidamada Mareykanka ee jooga Soomaaliya.

https://www.facebook.com/cumar.qaasim.376/videos/114636956643011/

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular