Diyaaradaha Maraykanka ayaa gobolka Baay qeybo kamid ah waxay ku dileen dad shacab ah, kadib gantaal ay la beegsadeen.
Duqeynta oo ka dhacday duleedka deegaanka Buula Fullaay ee gobolka Baay ayaa waxaa ku dhintay labo qof oo shacab ah, kuwaas oo xilliga la duqeynayay saarnaa mootada nooca dheereysa.
Ehellada dadka la dilay ayaa warbaahinta u sheegay in dadka laga dilay ay ahaayeen dad shacab ah, islamarkaana aaney ku lug lahayn Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab oo uu Maraykanku sheegto inuu la dagaallamayo.
Meydadka labada qof ee shacabka ah ayaa la aasay, waxaana tani ay qeyb ka tahay silsiladaha duqeymaha ah ee uu Maraykanku la beegsanayo dadka shacabka ah ee ku nool Wilaayaadka Islaamiga.