Ciidamo katirsan kuwa PS-ta lo yaqaano ee dowladda federaalka ayaa lagu weeraray bar kontorool oo ay ku lahaayeen deegaanka Garasbaalley oo dhaca duleedka magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.
Qaraxa ayaa dhacay habeenkii xalay, waxaana jugtiisa laga maqlay qeybo katirsan xaafadaha Garasbaalley iyo Tareedisho oo ah deegaanno isa saaran, islamarkaana ku yaala wadada xiriisa Muqdisho iyo Afgooye.
Goobjoogayaal ayaa sheegay iney arkayeen ciidamo dhulka yaala, oo ay u badantahay iney waxyeello kasoo gaartay qaraxa lagu weeraray.
Muqdisho iyo deegannada u dhow, iyo xitaa guud ahaan goobaha ay Shisheeyaha iyo Dowladda federaalka kaga suganyihiin Soomaaliya waxaa ka dhaca weeraro iyo howlgallo ay fuliyaan ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.