Waxaa halkooda kasii socda dadka ku la’anaya viruska Corona ee dhawaan ku dhuftay caalamka, waxaana wadamada Yurub iyo Maraykanka ay hadda yihiin kuwa ugu dhimashada badan.
Dalka Maraykanka, waxaa saacadiiba dhimanaya boqollaal ruux, iyadoona la la’yahay qaab loola tacaamulo meydadka tira badnidooda awgeed.
Afar iyo labaatankii saac ee lasoo dhaafay waxaa Maraykanka cudurka Corona uu ku diley dad tiradoodu gaareyso 1480 qof, iyadoona ay ka badantahay tirada uu sida joogtada ah usoo ridanayo.
Waaxda Caafimaadka ee Maraykanka ayaa dalbaday boqol kun oo sanduuq oo ah sanaadiiqda lagu rido meydadka, waxaana taasi muujineysaa in Maraykanka ay filayaan iiney sii kororto tirada dhimashada.
Trump iyo ku xigeenkiisa oo hadlay ayaa sheegay in tirada dhimashada ay gaarti karto 200.000 oo qof, taas oo ku tusineysa xadiga uu ku fidayo Corona virus.
Waxaa dhanka kale gebi ahaanba joogsaday howlihii ganacsiga ee gobollada Maraykanka, marka laga soo tago dukaamada lagu iibiyo Raashiinka iyo goobaha shidaalka, waxaana laba todobaad gudahood is diiwaan geliyay lix milyan oo ruux, kuwaas oo sheegaya iney shaqo la’aan yihiin.
Tirada guud ee dhimashada Maraykanka waa 7500, halka dadka uu soo ritay ee la xanuunsanna ay gaarayaan 277 kun oo ruux.
Talyaaniga oo isgana kamid ah wadamada uu saameynta ba’an ku yeeshey Corona ayaa tirada dhimashada waxay mareysaa 15 kun ruux, halka uu soo ritay 120 kun.
Spain waxay iyaduna tirada dhimashada mareysaa 11 kun oo ruux,halka boqollaal kun oo kalena uu ku dhacay.
Wadamada Ingiriiska, Faransiiska iyo Swidan ayaa iyagana kamid ah meelaha uu sida ba’an ugu faafayo Corona virus, waxaana dowladaha wadamadaas ay sheegayaan iney ka cabsi qabaan in tirada dhimashada ay sii kororto.