Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya waxaa ku geeriyooday xillibaan katirsan baarlamaanka Dowladda federaalka, kaas oo mudooyinkii u dambeeyay xanuunsanayay.
Xillibaan Aadan Moobleen oo katirsan Baarlamaanka DF ayaa waxaa maalmihii u dambeeyay uu la xanuunsanaa cudurka Macaanka oo uu qabay, taas oo keentay ugu dambeyn inuu u geeriyoodo.
Gudoonka Baarlamaanka Dowladda federaalka ayaa xaqiijiyay geerida Xillibaankan, oo sidoo kale ahaa Xoghayaha qeybta maaliyadda ee Xilibaanka Dowladda federaalka.