Hogaanka sare ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa si xeeldheer waxay uga tacsiyeeyeen istish-haadka Ash-Sheykh Abii Muscab Cabdil Waduud oo ahaa amiirkii hore ee Mujaahidiinta Al-Qaacida ee Maqribul Islaam, kaas oo u udahwaan Faransiisku ku diley wuqooyiga dalka Maali.
Bayaankan ku qoran luuqadda carabiga, kana kooban shan page ayaa furfurasho iyo horudhac kadib lagu yiri “ Quluub raalli ku ah qadarta Allaah iyo carabyo daa’ima xuskiisa, ayaan ku sabarsiineynaa nafteena, uguna tacnsiyeyneyna Umadeena muslimka ah iyo hormuudkeeda Mujaahidiinta ah oo uu ugu horeeyo sheekheena iyo amiirkeena Ayman Ad-Dawaahiri xafidahullaah, istish-haadka calam kamid ah aclaamta Islaamka iyo iftiinkiisa, kaas oo ah buurta adag iyo hogaamiyha rug cadaaga ah, ahna sheekha Mujaahidka ah ee Abii Muscab Cabdil Waduud Raximahullaah” ayaa lagu yiri bayaanka tacsida ah ee kasoo baxay hogaanka sare ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.
“Kalimaadku way diidayaan, wayna ka caajizayaan iney u baroor diiqaan buurtaas taagan iyo halyeygaas geesiga ah, weysamadiisa waa weysmo, geeridiisana waa mid culus, ishuna way ilmeyneysaa, qalbiguna wuu murugoonayaa, mana oraneyno wax rabigeena raalli geliyo mooye, weysmadaadana Abaa Muscabow waan ka murugsannahay” ayuu sii raaciyay bayaankan kasoo baxay hogaanka sare ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.
Bayaankan taczida ah wuxuu soo hadal qaadayaa siirada sheikh Abii Muscab Cabdul Waduud oo lagu tilmaamay inuu ahaa nin leh sifaad wanaagsan, u naxriista Muslimiinta, hadalkiisuna yaryahay, howshiisana badantahay.
“Sheekh Abii Muscab Cabdil Waduud Alle ha u naxriiste, wuxuu ahaa haraaga salafkii hore iyo kuwii haray kuwa ugu kheyrka badnaa, Naxsabuhu kadaalika wallahu xasiibuhu, wuxuu annaga iyo umadda muslimka ahba u dhigay tusaale sarreeya oo ku aadan sabarka, adkeysiga, Nafhurka iyo in lagu ribaado masiirada Jihaadka ee ay ka buuxdo nafhur iyo guulo ballaaran, saaxada Maqribul Islaam intii ay ku jirtay imaaradiisana waxay ugaga marqaati kaceysaa barakada midnimada iyo mideynta kalimadda, heer ay gaartay in holaca Jihaadka uu is wada qabsaday daafaha Maqribul Islaam, raayada Towxiidkana waxaa laga taagay saxaraha weyn iyo saaxilka, Allena wuu doortay Sheekh Abuu Muscab ka dib markii uu mideeyey safka, seyfahana galka ka saaray, camaliyaadka barkeysan ee uu isagu fulinayana ay is raac raaceen, wuxuuna dhabtii sidaas ku noqday mid kheyrka fura, shartana xira. Rasuulka Salla-llaahu caleyhi wasallam wuxuu yiri “Dadka waxaa kamid ah kuwa kheyrka furayaal u ah, shartana xira, waxaana dadka kamid ah kuwa furayaal u ah sharta, islamakana xira kheyrka, laan janno waxay u sugnaatay qofkii uu Alle gacmahiisa ka dhigo furayaasha kheyrka, halaagna wuxuu u sugnaaday qofkii uu Alle gamcihiisa gacmahiisa ka dhigo furayaasha sharta. Waxaa wariyay Ibnu Maajah” ayaa lagu yiri bayaanka, mar la tilmaamayay sifaatka Sheekh Abuu Muscab Cabdul Waduud.
“ Inkastoo ay qaraar tahay weysmada dadka la jecelyahay oo uu ku jiro amiirkan barakeysan, naftuna walaac ku beerto, hadana waa bishaaro weyn in magaca sheikh Abuu Muscab Cabdil Waduud ku biiro diiwaanka shuhadada, loona geliyo taajka dadka sharafta leh ee geedka Islaamka ku waraabiyay dhiigooda daahirka ah, saxriga khilaafada la sugayana ku taagay jasadkooda dulmi diidka ah. Ma hilmaameyno, jiilasha soo socdana ma hilmaami doonaan nafhurkii, hilintii iyo ballan oofintii uu sameeyay Sheekh Abuu Muscab. Halyeeyada Maqribul Islaamna waxaa Sharaf iyo faan ugu filan in sheekha lagu qoro diiwaanka taariikhda, isagoo galaya liiska Faatixiintii muraabidhiinta ahaa, oo ay kamid yihiin Muusaa bin Nuseyr, Dhaariq bin Ziyaad, Yuusuf bin Taashfiin iyo gheyrkooda oo ay kamid ah halyeeyada Maqribul Islaam iyo libaaxyada Antalantika, haddii jasadka sheekhana lagu rogo ciida, xusuustiisa ayaa baaqi ahaan doonta intaba ay jirto dacwadiisa, ruuxdiisana way noolaan doontaa, intaba ay nooshahay caqiidadiisa” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay hogaanka sare ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.
“Fariinta aan u direyno Faransada Saliibiyadda ah waxay tahay, ha u maleynin inaa dilka Sheekha aad uga raaxeysan doontaan halaaga iyo waxa idin dhib geliya, taasi ma dhici doonto, sheekhu wuxuu ka tagay libaaxyo ad adag iyo Mujaahidiin halyeeyo ah, kuwaas oo waqtiyo dhaadheer beegsan doona Faransiiska, wayna sii wadi doonaan ragaas masiirada sheekha iyo Jihaadkiisa illaa ay Shareecadu xukunka qabato, shirkiguna baaba’o, diinka oo idilna uu Allaah keligii u ahaado” ayaa lagu yiri bayaanka.
“Waxaan halkan tacsideena barax tiran uga direynaa walaalaheena Mujaahidiinta ee jooga Maqribul Islaam, iyo ehellada Sheekh Abii Muscab iyo walaalihiisa, dhamaantooda Alle ha u naxriiste, waxaan Allaah u waydiineynaa inuu ku ilhaamiyo sabar iyo waxay musiibada ku hilmaamaan, kana ajar siiyo musiibadooda, uguna bedelo wax ka kheyr badan, waxaan sidoo kale Mujaahidiinta Maqribul Islaam ku boorineynaa iney sugnaadana, adkeystaan kana aargutaan Saliibiyiinta xaasidiinta ah. Muslimiintu kagama baran reer Maqribul Islaam intii ay taariikhdu jirtay waxaan ka ahayn ad adeyg iyo lagu darnaado gaalada, ee laba laaba camaliyaatkiina, daran dooriya weeraradiina, waxaana idin kaga digeyna wahniga”. ayaa lagu yiri bayaanka.
Qeyba dambe ee bayaankan kasoo baxay hogaanka sare ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, loogana tacsiyeynayay Istish-haadka Sheekh Abii Muscab Cabdil Waduud, waxaa lagu dirayaa dardaaranno dhaxalgal ah oo si gaar ah ugu socda Mujaahidiinta Maqribul Islaam.
“Ugu dambeyntii waxaan walaalaheena, iyo kuwa aan jecelnahay ee madaxyada inoo saaran ee jooga Maqribul Islaam kula dardaarmeynaa iney qabsadaan kitaabka Allaah iyo Sunnaha Nabigiisa Salla-llaahu caleyhi wasallam, islamarkaana ilaashadaan midnimadooda iyo isku soo dumidooda, Wallaahi midnimadiu waa masdarka awoodiina iyo cizzadiina, waxaana ku jira raxmad, barako iyo guul, ee noqda sida uu Alle jecelyahay raalligana uu ka yahay.
Ibnu Teymiyah Alle ha u naxriiste, wuxuu yiri “ Dadku haddii ay dhacdo iney ka tagaan qaar kamid ah wixii uu Alle amray waxaa dhexdooda ka dhacaya cadaawad iyo colaad, dadkuna haddii ay kala tagaan way fasahaadayaan wayna halaagsamayaan, haddii ay kulmaan oo ay midoobaanna way hagaagayaan, taladana iyagaa qabanaya, wadajirku waa raxmad, kala taguna waa cadaab”.