Wararka naga soo gaaraya Mandheera ayaa waxay sheegayaan in ciidamo ka tirsan Milatariga Xarakada Al-Shabaab ay weerar culus ku qaadeen saldhig ciidan oo ku yaalla tuulo hoos timaada gobolkaas.
Abaaro xalay saqdii dhexe ayaa waxaa weerar lagu ekeeyay saldhigga oo ku yaalla tuulada Waranqara oo hoos tagta degmada Lafey ee gobolka Mandheera.
Dagaalka oo ku billowday hub culus iyo mid fudud ayaa sababay khasaare kala duwan inkastoo ciidanka Kenya aaney muddo badan dagaalamin taa badalkeedana ay goobta isaga carareen.
Inta la xaqiijiyay waxay ka carareen meydadka 3 askari, iyadoo laga soo furtay saanad kala duwan sida aan kasoo xiganay ilo wareedyo lagu kalsoon yahay.
Kenya ayaa waxaa sidoo kale weerarkan looga dhaawacay 7 askari, waxaana ay dhacdadan muujineysaa sida ay Al-Shabaab ciidanka Kenya ugu ugaarsanayaan goob walba.