Howlgallo kala duwan ayaa saacadihii lasoo dhaafay ciidanka Jabuuti ee qaybta ka ah Shisheeyaha iyo kuwa Dowladda federaalka lagula beegsaday qaybo kamid ah wilaayada islaamiga ah ee Hiiraan.
Weerardaan oo isugu jiray dhabbagal, duqayn iyo kuwa si gaar ah loo fuliyay ayaa waxa ay ciidamada Xakarada Mujaahidiinta Al-Shabaab labar tilmaameydsadeen ciidanka Jabuuti ee ay Soomaalidu ugu yeerto Hiil gumeysi iyo kuwa Dowladda federaalka.
Weerarka Koowaad oo ahaa mid dhabagal ah ayay ciidamada mujaahidiinta udhigeen ciidanka Jabuuti. kuwaas oo dhaqdhaqaaqyo ciidan kawaday galbeedka magaalada Baladweyne ee gobalka Hiiraan.
Saakiil ka tirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa warbaahinta islaamiga ah uxaqiijiyay in weerarkaas dhabagal ah ciidanka Jabuuti lagu gaarsiiyay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.
Dhinaca kale guutada madaafiicda ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa weerar duqeyn ah ku qaaday saldhig ciidanka Jabuuti ku leeyihiin magaalada Baladweyne.
Dhowr madfac ayaa gudaha ugalay xerada, waxaana weerarkaas duqaynta ah uu dhaliyay khasaare soo gaaray ciidankii la duqeeyay.
Sidoo kale weerar qorshaysan ayay ciidamo gaar ah oo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ku qaarajiyeen askari ka tirsanaa ciidanka maamulka Hir Shabeelle.
Weerarkan ayaa ka dhacay deegaanka Muusa geel oo dhaca duleedka degmada Maxaas ee gobalka Hiiraan, iyadoo raggii weerarka fuliyay ay askariga horay uga sii qaateen qori uu ku hubaysnaa.
Ugu dambeyn wararka ka imaanaya gobalka bari ayaa sheegaya in gaari gaashaaman oo ay wateen ciidanka maamulka Puntland lagu gubay weerar qarax ah.
Gaariga la qarxiyay ayaa wuxuu marayay inta udhaxaysa Af Urur iyo Ceel doofaar oo dhaca duleedka magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka bari.
Askartii saarneed gaariga ayaa u qaybsamay kuwa dhintay iyo wax dhaacwacmay.
Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa kordhisay weerarda ka dhanka ah, Shisheeyaha, ciidamada Dowladda federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada, iyadoona weeraradaasi ay khasaaro kala duwan gaarsiiyeen dhinacyada lagu beegsaday.