HomeAll newsBooliska Dalka Mareykanka oo Dhaawacay 10 Qof oo Dibad Bax Dhigayay.

Booliska Dalka Mareykanka oo Dhaawacay 10 Qof oo Dibad Bax Dhigayay.

Booliska magaalada Minneapolis, ee waqooyiga gobolka Minnesota, ayaa xaqiijiyay iney dad dibad baxayaal ah ku dhaawacmeen rasaas ay fureen.

Saraakiisha Boliska ayaa dadka dibad baxa dhigaya uga digay iney ka agdhawaadaan Uptown Minneapolis, iyagoo aanan bixin faahfaahin dheeri ah oo ku saabsan toogashada.

Waxaa xusid in goobta rasaaseyntu ka dhacday ay tahay degmo ganacsi oo kutaala agagaarka Tiyaatarka Landmark Uptown, halkaas oo ay ku yaal baararka iyo maqaayadaha badan.
Mudaaharaadyo rabshado wata ayaana ka dhacay.

Tani waxay timid kadib asbuucyo mudaaharaadyo rabshado wata oo ka dhacay magaaladaas, oo sababay burbur, bililiqaysi iyo iska horimaadyada booliiska iyo dad weynaha, ka dib dilkii ninkii madowga ahaa ee George Floyd dabayaaqadii bishii hore.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa ku guul darreystay inuu joojiyo dibad baxyada looga soo hor jeedo cunsuriyadda gaar ahaan dilalka loo geysto dadka madowga ah.

Qaar kamid ah hormuudka dibad baxayaasha ayaa laga soo xigtay in rasaastii maanta lala dhacay ay kasii qaadi doonaan dhiiranaan.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular