HomeAll newsCamaliyad Nafhurnimo Oo ka dhacay Deegaanka Bacaad Weyn ee Mudug.

Camaliyad Nafhurnimo Oo ka dhacay Deegaanka Bacaad Weyn ee Mudug.


Wararka ka imaanaya gobolka Mudug ee bartamaha dalkeena Soomaaliya ayaa ku waramaya in weerar nafhurnimo lagu qaaday saldhig ay  ciidamada maamulka Galmudug ku leeyihiin deegaanka Bacaad weyn ee hoostaga degmada Hoyo ee gobolkaas.

Nafii hure katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab oo kaxeynayay gaari miineysan ayaa beegsaday albaabka hore ee saldhiga ay ku sugnaayeen ciidamo katirsan maamulka Galmudug, kuna howlanaa fulinta howlgallo ka dhan ah shacaa’irta Islaamka.

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa war ay soo saartay waxay ku sheegatay masuuliyadda weerarkan, iyadoona xaqiijisay in weerarkaas uu ka dhashey khasaare kala duwan.

“Mujaahidiinta ayaa camaliyad istish-haadi ah ku beegsaday saldhig ay maleeshiyaadka murtadiinta ay ka sameysteen deegaanka Bacaad weyn ee wilaayada Mudug, gaariga istish-haadiga ayaa beegsaday albaabka saldhigga laga waardiyeeyo waxaana halkaas ku dhintay 2 murtad gaari tiknika ahna waa ku gubtay” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al Shabaab.

Maamulka Galmudug ayaa maalmihii ugu dambeeyay waday howlgallo ay ku beegsanayaan dadka ay sunnadu ka muuqato, iyagoo ku eedeynaya iney taageersanyihiin halganka Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular