HomeAll newsFaafaahin laga helayo Qarixii ka dhacay Xerada Turkiga ee Muqdisho.

Faafaahin laga helayo Qarixii ka dhacay Xerada Turkiga ee Muqdisho.

Xog dheeraad ah ayaa laga helayaa khasaaraha ka dhashey weerar nafhrunimo oo maanta lagu qaaday xerada dowladda Turkida ay ku leedahay magaalada Muqdisho, kuna tababarto ciidamada Dowladda federaalka.

Weerarka oo ahaa mid Nafhurnimo waxa uu dhacay xilli rag saraakiil ahaan loo tababarayo oo katirsan ciidamada Dowladda federaalka ay saf ku jireen, waxaana uu qaraxu ahaa mid aad u xoogan.

Xogo lagu kalsoonaan karo oo la helayo waxay xaqiijinayaan in khasaare culus uu ka dhashey weerarkaas, kaas oo gaaray saraakiishii uu tababarka u socday ee katirsanaa ciidamada Dowladda federaalka.

Ugu yaraan 7 sarkaal ayaa ku dhintay goobta, halka 14 kalana ay dhaawacyo kala duwan soo gaareen, kuwaas oo dhamaantooda katirsanaa saraakiisha ciidamada Dowladda federaalka.

War rasmi ah oo kasoo baxay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab waxay goor sii horeysay ku sheegatay masuuliyadda weerarkan nafhurnimada ah ee beegsaday saraakiil lagu tababarayay xerada Turkida ee magaalada Muqdisho.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular