HomeAll newsGabar 14 Jir Ah oo Lagu Kufsaday 21 Askari Sh/dhexe. (Dhageyso)

Gabar 14 Jir Ah oo Lagu Kufsaday 21 Askari Sh/dhexe. (Dhageyso)

Xog dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa falal kufsi ah oo ay ciidamada DF ka geysteen meel u dhow degmada Cadalle ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Ciidanka ayaa wadada u galay gaadiid safar ahaa iyadoo dhibaatada ugu daran ay gaartay gabar yar oo 14 jir ah.

Haddaba Nabadoon Cabdullaahi Cali Caraay oo kamid ah waxgaradka gobolka islamarkaana kamid ah waxgarad goobta tegay dhacdada kadib ayaa inoo sheegay inuu indhihiisa kusoo arkay dumar si daran loogu xad gudbay.

Wuxuu sheegay in ciidamada dowladdu ay kufsadeen dhammaan haweenkii rakaabka ahaa balse ay ugu sii darnayd gabadha yar ee 14 jirka ah.

Ma ahan markii ugu horreysay oo ay ciidamada DF kufsadaan haween safar ah.

Halkan Ka Degso Wareysiga Nabadoonka

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular