Wararka ka imaanaya wilaayaadka islaamiga ee Baay iyo Gedo ayaa ku waramaya in saacadihii lasoo dhaafay ciidamada Xabashida Itoobiya ay la kulmeen weeraro qaraxyo ah iyo duqeymo xoogan, oo dhaliyay waxyeello kala duwan.
Ugu yaraan afar qarax ayaa shalay oo keliya lala eegtay ciidamada Xabashida Itoobiya, xilli ay marayeen deegaanka Yurkud dhinaca xiga gobolka Gedo, waxaana gaaray waxyeello kala duwan.
Marka laga soo tago qaraxyada, ciidamada Itoobiyaanka waxay la kulmeen weeraro duqeymo ah oo lagu garaacay goobo ay saldhigteen, waxaana isku socodka ciidamada Itoobiyaanka uu yahay mid gaabis ah, sababo ku aadan cabsi ay ka qabaan weerarada Mujaahidiinta.
Goobta lagula eegtay qaraxyadan askarta Itoobiyaanka waxaa soo gaaray diyaarad helicopter ah, taas oo qaaday dhaawacyada iyo meydadka ciidamada Itoobiyaanka, waxaana la xaqiijiyay in qaraxyada lagu gubay gaari gaashaman.
Ciidamadan Itoobiyaanka ee la kulmaya weerarada waa kolonya askar ah oo ku socda dhulka gumeysiga ku jira ee Soomaali galbeed, iyagoo uga sii gudbaya wadanka Itoobiya, waxaana todobaadyo xiriir ah heysta weerarada joogtada ah ee ay kala kulmayaan milliteriga Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.