HomeAll newsAgaasimaha Waaxda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Oo Lagu Weeraray Muqdisho.

Agaasimaha Waaxda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Oo Lagu Weeraray Muqdisho.

Qarax xoogan oo ka dhacay isgoyska Nambar Afar ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa lala eegtay gaari uu la socday Agaasimaha waaxda Socdaalka iyo Jinsiyadaha ee Dowladda Federaalka Korneel Maxa’ed Aadan Koofi.

Qaraxa waxaa ku dhintay askari katirsan ilaalada Koofi, waxaana burbur xoogan uu gaaray gaariga uu la socday Agaasimaha.

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda qaraxan lagu weeraray Koofi, oo kamid ah saraakiisha aad ugu dhow dhow madaxweynaha Dowladda federaalka Maxamed Farmaajo.

Maxamed Aadan Koofi, dhankiisa weli kama aanu hadlin howlgalkan lagu doonayay in lagu khaarijiyo, waxaana uu ku biirayaa howlgalkan weeraro si joogta ah uga dhaca Muqdisho oo lagu beegsado xubnaha Dowladda Federaalka.

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular