HomeAll newsAl-Shabaab Oo La Wareegay Deegaanno katirsan Gobolka Sanaag.

Al-Shabaab Oo La Wareegay Deegaanno katirsan Gobolka Sanaag.

Wararka ka imaanaya wuqooyiga dalka Soomaaliya ee uu ka arrimiyo maamulka Soomaaliland ayaa ku waramaya in deegaanno muhiim ah oo katirsan dhulkaas ay la wareegeen ciidamo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Dagaalyahanno aad u hubeysan oo katirsan milliteriga Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa la wareegay illaa ugu yaraan afar deegaan oo hoostaga gobolka Sanaag, halkaas oo ay ku sugnaayeen ciidamo katirsan maamulka Soomaaliland.

Deegaannada ay la wareegeen ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab waxay kala yihiin Mirici, Masha-Caleed, Xabaasha Aw-Cali iyo Markeet oo u dhexeeya magaalooyinka Laasqoray iyo Baran oo katirsan gobolka Sanaag.

Ciidamada Mujaahidiinta ayaa hawgallo lagu xaqiijinayo ammaanka halkaas ka sameeyay iyagoo dhanka kalena kulamo la qaatay waxgaradka deegaanadaas.

Mid kamid ah hawgallada ay ciidamada Mujaahidiintu sameeyeen ayaa wuxuu ka dhacay halka loo yaqaano Gurya-Samo oo u dhexeeysa degmooyinka Baran iyo Laas-Qoray ee Gobolka Sanaag.

Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa gacanta ku dhigay gaari khamri siday, khamrigaas oo lagu gubay fagaare ku yaala halka lagu qabtay.

Arintan ayaa muujineysa sida ay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab isugu fidinayaan deegaanno katirsan gobollada wuqooyi ee Soomaaliya.

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular