Cabdi Kariim Siraad Axmed, waa askari kasoo goostay maamulka Jubbaland, iskuna soo dhiibay wilaayada islaamiga ee Jubbooyinka.
Askarigan ayaa shaaca ka qaaday in dhaqano xumo iyo dhibaato joogto ah ay ka jirto halkii uu kasoo tagay, isagoona shaaca ka qaaday inuu isaga towbad keeney howshii uu ku jiray ee la shaqeynta ciidamada Shisheeyaha.
Waxaa si diiran loogu soo dhaweeyey wilaayada islaamiga ah ee Jubbooyinka, isagoona Saxaafadda kula hadlay magaalada Jilib ee wilaayada islaamiga ee Jubbooyinka.
Askarta isaga soo goosaneysa Dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada ayaa si dardar leh waxay u gaarayaan wilaayaadka islaamiga ee ay gacanta ku heyso Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, laguna maamulo Shareecada Islaamka.
Halkan ka dhagayso Askari kasoo goostay maamulka Jubbaland