Fadhi ay isugu yimaadeen xubnaha Baarlamaanka Dowladda Federaalka ayay codka kalsoonida waxay ugu qaadeen xukuumadda uu dhawaan soo dhigay ra’iisul wasaaraha Dowladda federaalka Max’med Xuseen Rooble.
Gudoomiyaha golaha Baarlamaanka Maxamed Mursal ayaa shaaca ka qaaday in 188 xillibaan ay codka kalsoonida siiyeen xukuumadda cusub ee uu dhawaan soo dhisay ra’iisul wasaare Max’med Xuseen Rooble.
Wasiirada xukuumadan cusub ayaa waxaa u badan taageeriyaasha Farmaajo, waxaana waqtiga ay heystaan uu yahay mid yar, iyadoo ay hor yaalaan caqabado badan.