Magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer ee wuqooyiga Soomaaliya waxaa ka dhacay banaanbax ballaaran oo ay isugu soo baxeen qeybaha kala duwan ee bulshada, kaas oo lagu difaacayay Rasuulka Salla-llaahu caleyhi wasallam.
Dadka Muslimiinta ah ee isugu soo baxay banaanbaxa ayaa sheegay iney aad uga xunyihiin tallaabada ay dowladda Faransiiska ku aflgaadeyneyso Rasuulka Salla-llaahu caleyhi wasallam, waxayna ku baaqeen in tallaabo laga qaado.
Wejiyada dadka banaanbaxa isugu yimid ayaa waxaa ka muuqanayay caro aad u xoogan, iyagoona sheegayay iney u aargudayaan Rasuulka Salla-llaau caleyhi wasallam.
Dhawaan ayay ahayd markii Dowladda Faransiiska ay meel kaga dhacday Rasuulka Salla-llaahu caleyhi wasallam, iyadoo uu Macron oo ah madaxweynaha dalkaas ku hanjabay inuu sii wadi doono aflgaadada iyo meel ka dhaca maqaamka sare ee Suubanaha Salla-llaahu caleyhi wasallam.
Halkan ka dhagayso Banaanbaxyo Lagu difaacayo Rasuulka Oo ka dhacay Burco