HomeAll newsFaransiiska Oo Ku Jira Go'doon Gudaha iyo Mid Dibadda ah. (Warbixin)

Faransiiska Oo Ku Jira Go’doon Gudaha iyo Mid Dibadda ah. (Warbixin)

Warbixin uu qoray wargeyska Washington Post ee fadhigiisu yahay dalka Maraykanka ayaa looga hadlay xaaladda ka jirta wadanka Faransiiska o dhawaan madaxdaa dalkaas ay si bareer ah u aflagaadeeyeen Rasuulka Salla-llaahu caleyhi wasallam.

“ Weerarkii ka dhacay magaalada Niis ee dhaliyay dhimashada 3 ruux wuxuu Faransiiska ku riday bohol adag, marka loo eego gudaha iyo dibadda” ayaa lagu yiri warbixinta uu baahiyay wargeyska Washington Post.

Warbixintu waxay sheegeysaa in weerarka ka dhacya Niis uu yimid wax kayar laba todobaad, markii madaxa laga jaray macallin Samwiil, kaas oo ardey dhiganeysa iskuul uu macallin ka ahaa u bandhigay sawirro aflagaado ku ah Rasuulka Salla-llaahu caleyhi wasallam.

Fuliyha weerarka Niis, wuxuu kasoo jeeda wadanka Tuunis, bishii Septembar ee lasoo dhaafey ayuuna soo gaaray wadanka Faransiiska, horeyna laamaha amnigu uguma heyn wax tuhmad ah oo la xiriirta inuu fulin karo weerar noocaan ah, waxaana la qabtay isagoo ku dhawaaqaya Allaahu Akbar, iyadoo xilliganna lagula tacaalayo xaaladiisa caafimaad isbitaal ay leedhaya dowaldda Faransiiska isagoo qaba dhaawacyo halis ah,  ayuu leeyahay xeer ilaaliyaha qaabilsan arimaha waxa loogu yeero weerarada argagaxisada.

Washington Post waxay sheegeysaa in waxa ay shacabka Faransiiska iyo madaxdooda u arkaan iney tahay difaaca xurriyadda hadalka ay Muslimiintu u arkeen iney tahay falal ihaano ku ah diintooda, sidaas darteedna ay sii kordhiyeen weerarada ka dhacaya gudaha Faransiiska.

“ Weerarada cusub ee ka dhacaya gudaha Faransiiska oo uu ugu dambeeyay weerarkii Niis, wuxuu Faransiiska geliyay go’doon gudaha iyo mid dibadda ah “ ayaa lagu yiri warbixinta uu baahiyay wargeyska Washington Post.

Marka laga soo tago weerarada ka dhacay gudaha Faransiiska, waxay muslimiinta caalamku qaadaceen badeecadaha ka imaanaya Faransiiska, taas oo ay culimada muslimiintu fatwoodeen iney tahay qeyb kamid ah Jihaadka, loona baahanyahay in la xoojiyo.

Waxaa sidoo kale si xiriir ah wadamada caalamka Islaamka uga dhacaya bananabaxyo ballaaran oo ay dhigayaan dadka muslimiinta ah, kuwaas oo looga soo horjeedo aflaagada Faransiiska ee ka dhanka ah Islaamka iyo Muslimiinta.

Emmanual Macron oo ah madaxweynaha dalka Faransiiska, kuna hanjabay iney sii wadi doonaan sawirrada aflgaadada ku ah Rasuulka Salla-llaahu caleyhi wasallam ayaa hadda waxaa laga dareemayaa walbahaar ka muuqanaya wejigiisa, waxaana faraha ka baxay amniga dalkiisa, iyadoo dhaqaalaha dalkana uu dhulka galay, rajadii uu ka lahaa in markale uu ku guuleysto doorashooyinka soo socdana ma xoog badna.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular