Wararka ka imaanaya degmada Baraawe ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa tilmaamaya in qarax culus lala eegtay gudoomiyaha magaaladaas ugu magacaaban maamulka Koonfur Galbeed.
Gudoomiye Cumar Sheekh Cabdi ayaa la kulmey qarax culus, balse waa uu ka badbaaday waxbana kuma noqon, waxaana sida muuqatay qaraxa lagu doonayay in lagu khaarijiyo.
Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda qaraxa magaalada Baraawe lagula beegsaday gudoomiyaha magaaladaas ugu magacaaban maamulka Koonfur Galbeed.