HomeAll newsMid kamida ah Ergada Baarlamaanka Cusub Oo Muqdisho Lagu Toogtay.

Mid kamida ah Ergada Baarlamaanka Cusub Oo Muqdisho Lagu Toogtay.

 

Waxaa si dardar leh ku socda ugaarsiga lagu hayo ergada soo dooraneysa xillibaannada cusub ee baarlamaanka Dowladda federaalka.

Xalay, degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho waxaa lagu dilay mid kamid ah ergada wax kasoo doortay baarlamaanka cusub ee Dowladda Federaalka.

Maxmuud Xuseen Maxa’ed oo kamid ah ergada ayaa waxaa lagu dilay degmada Wadajir, rag hubeysan ayaana dhowr xabadood kaga dhuftay qeybaha sare ee jirkiisa, taasoo keentay in durba uu halkaas ku dhinto.

Goor dambe waxaa goobta soo gaaray ciidamo katirsan kuwa Dowladda federaalka, kuwaasoo qaadey meydka.

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa horey ugu goodisay iney beegsan doonto cid weliba oo ka qeyb qaadata doorashada ay Dowladda federaalka ku howlantahay, taasoo ay Mujaahidiinta iyo Culimada muslimiintaba ku xukumeen iney tahay doorasho gaalnimo ah.

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular