Wararka ka imaanaya koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya ayaa ku waramaya in roobab wanaagsan oo ayku diirsadeen dadka iyo duunyada ay ka da’een gobolladaas.
Magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, Shabeellaha Hoose, Shabeellaha Dhexe, Hiiraan, Mudug, Galgaduud, Gedo, Jubbooyinka iyo meelo kale ayaa laga soo sheegayaa iney ka da’een roobab ay dadku aad ugu farxeen.
Dhibacaha roobka ayaa ahaa kuwa waaweyn, waxaana Allaah fadligii meesha ka baxay quusta ay muujinayaan dadka maalmihii lasoo dhaafay, kuwaasoo ka cabsanayay in abaar adag ay ku dhufato Soomaaliya.
Wararka waxay kaloo tilmaamayaan in roobabka ay xitaa ka da’een qeybo kamid ah dhulka ay Itoobiya xooga ku heysato.
Roobka ayaa ah nimco Rabaani ah oo uu Allaah ku manneysto uunka, waxaana nusuusta sharciga ah tilmaameysaa in dibudhaca ku yimaada ay u sabab tahay dunuubta iyo macaasida ka dhacda dadka, sidaas darteed waxaa nala gudboon inaan Allaah mar weliba u towbad keenno.