Ciidamada Milliteriga Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab waxay qaadeen silsilado howlgallo ah oo lagu beegsaday ciidamada Dowladda federaalka iyo kuwa maamulka Jubbaland.
Muqdisho, waxay Mujaahidiinta weerar culus ku qaadeen isbaaro xaafadda Suuqa Xoolaha ee degmada Heliwaa ku leeyihiin ciidamada Dowladda federaalka.
Sidoo kale fariisin ciidamada Dowladda federaalka kaga sugnaayeen degmada Dayniile ayay xalay Mujaahidiintu weerar adag ku qaadeen.
Deegaanka Sabiid ee u dhow magaalada Afgooye waxaa isna ka dhacay weerar culus oo ay ciidamada Mujaahidiinta la beegsadeen askarta Dowladda federaalka.
Jaziiradda Kudhaa ee Jubbada Hoose, waxaa iyana xalay ka dhacay dagaal culus oo ay Mujaahidiintu ku qaadeen askarta maamulka Jubbaland ee uu hogaamiyo Axmed Madoobe.