Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa qaaday silsilado howlgallo ah oo lagu beegsaday ciidamada maamulka Hir Shabeelle iyo kuwa Jabuuti ee gacan siinaya Shisheeyaha dalka kusoo duuley.
Saldhigyo labo gaaraya oo gudaha magaalada Baladweyne ku leeyihiin ciidamada maamulka Hir Shabeelle ayaa la kulmay weerar culus oo uga yimid dhanka Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.
Ciidamada Jabuuti ee ku sugan gobolka Hiiraan ayaa waxay iyaguna dhankooda la kulmeen weerar duqeyn ah oo uga yimid dhinaca ciidamada Mujaahidiinta
Sidoo kale saldhiga ciidamada Shisheeyaha ee deegaanka Arbacow ee duleedka magaalada Muqdisho ayaa kamid ah goobaha lagu weeraray ciidamada Shisheeye.