Magaalada caasimadda ah ee Muqdisho waxaa habeenkii xalay lagu dilay sarkaal sare oo katirsan ciidamada Dowladda federaalka.
Sarkaalkan oo lagu magacaabo Mahad Cabdi Raxmaan ahna laba xidigle, ayaa isagoo saaran mooto islamarkaana marayay isgoyska Soobe waxaa rasaas huwiyay askar katirsan ciidamada Dowladda federaalka.
Sarkaalka ayaa waxa uu si gaar ah kaga tirsanaa ciidamada Asluubta ee ka howlgala xabsiyada lagu dhibaateeyo dadka muslimiinta ah.
Sarkaalka ayaa markii hore waxaa gaaray dhaawac, kadibna waxaa la dhigay isbitaallada caafimaad, halkaas oo uu ugu dambeyn ku geeriyooday.
Dhinac kale deegaanka Biya-cadde ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa habeenkii xalay ka dhacay dagaal culus. Ciidamada Mujaahidiinta ayaa weeraray saldhiga ciidamada Burundi ee deegaankaas.