HomeAll news5 Ujeedo Oo Ay Yuhuuddu Ka Leheed Duullaankii Ugu Dambeeyay Ee Qaza.(Warbixin)

5 Ujeedo Oo Ay Yuhuuddu Ka Leheed Duullaankii Ugu Dambeeyay Ee Qaza.(Warbixin)

Ra’iisul wasaaraha maamulka Yahuudda Yaa’iir Labiid ayaa dano siyaasadeed oo shakhsi ah wuxuu ka lahaa howlgalkii uu dhawaan ku qaaday deegaannada Jiidda Qazza ee dhulka Filastiin, marka laga soo tago si guud maslaxadda Yahuuda ee dhigeysa dhibaateynta Muslimiinta iyo u xoog sheegashadooda.

Baaritaan ay sameysay haweeney Yahuudiyad ah oo lagu magacaabo Liiraaz ayaa sheegtay in ra’iisul wasaaraha Yahuudda uu dano shakhsiyadeed oo gaaraya illaa shan dano uu ka lahaa duulaankii duqeyma ahaa ee dhawaan ciidankiisu ku qaadeen deegaannada Jiidda Qazza, si gaar ah magaalada Qazza ee go’doonsan 15 sano oo xiriir ah.

Danaha shanta ah ee uu lahaa waxaa kow ka ah, in ra’iisul wasaaraha Yahuudda uu doonayay inuu tuso dadka Yahuudda ah ee codadkooda bixinaya marka doorashooyinka la gaaro, inuu awood u leeyahay maareynta iyo hagida howlgallada milliteriga, maadaama dad badan oo Yahuud ah oo Siyaasiyiin u badan ay horey mugdi u geliyeen shakhsiyadda Yaa’iir Labiid marka laga hadlayo arimaha caskariga, aragti uruurin dagaalkii Qazza kadib ayaana muujisay in taageerada ra’iisul wasaaraha ay hadda korortey.

Danta labaad ee uu lahaa ra’iisul wasaaraha Yahuudda, marka laga hadlayo dagaalkii ugu dambeeyey ee Qaza waxay ahayd inuu bedelo aragtida bidixda fog ee daa’imtey masiiradiisa siyaasadeed, waxaana si arinkaas loo bedelo hortaagneyd inuu ogolaado dagaal lagu qaado Qazza, xilli weliba xubno badan oo katirsan xisbigiisa la sheegay iney diidanaayeen in xilligan wax dagaal ah la galo.

Sida ay haweeneydan sameysay baaritaankan ku sheegtay maqaalka ay ku daabacday wargeyska Macaariif, danta saddexaad ee shakhsiga ah ee uu ra’iisul wasaaraha Yahuudda ka lahaa dagaalkii Qazza waxay ahayd ilaalinta danihiisa gaarka ah iyo tan siyaasadeed.

“ Wuxuu Labiid u galay dagaalkan, isagoo ilaalinaya danihiisa gaarka ah iyo tan xisbigiisa, wuxuuna sugay inuu yahay nin amni oo awood u leh inuu weerar abaabulo, fowdo iyo burburna ka billaabo Qaza, dadka Yahuuda ahna uu geliyo goobaha sawaariikhda la galo ee godadka dhulka hoostiisa ka qodan” ayay leedahay haweeneydan Yahuudiyada ah ee qortey maqaalkan ay kaga hadleyso danihii gaarka ahaa ee ra’iisul wasaaraha Yahuudda ka lahaa duulaankii dhawaan ciidankiisu ku qaadeen Qaza.

Qodobadka afaraaad ama danta afaraad ee uu ra’iisul wasaaraha Yahuudda kalahaa dagaalkii Qaza waxay ahayd sida ay tilmaameyso haweeneydan, isagoo muujiyay sida uu uga dhex shaqeyn karo saaxada dowliga ah, maadaama uu u mahad celiyay madaxweynaha Masar ninka lagu magacaabo Cabdil Fattaax As-Siisi.

Wuxuu sidoo kale muujiyay inuu u mahad celiyo mucaaradka Yahuudda ee uu hogaamiyo Natanayahu, kuwaasoo laftooda taageersanaa dagaalka Qaza, una arkayay iney tahay qadiyad si guud u taabaneysa Yahuudda.

Baraha Internetka ayuu ku baahiyay sawirrada kulan dhexmaray isaga iyo Natanyahu, kaasoo ka dhacay xarunta wasaaradda dagaalka, Labiid ayaa faafiyay isaga iyo Natanayhu iyadoo wejigooda laga dareemayo xanaaq, si loo suureeyo inuu ka go’anyahay howlgalka, Natanyahu ayaa dhankiisa wuxuu faafiyay sawirka isaga iyo Labiid oo dhoolacadeynaya, danta uu leeyahay ayaana ahayd inuu muujiyo in Labiid uu iska dhoolacadeynayo xilli dagaal lagu jiro, taasoo dabcan wax u dhimi karta marka la gaaro doorashooyinka soo socda.

Wuxuu kaloo Yaa’iir Labiid farriin u direy qoysaska maxaabiista Filastiiniyiinta ee kujira xabsiyada Yahuudda.

Haddii Yahuudu ay dano gaar ah iyo maslaxado yar yar oo shakhsi ah ay u qaadayaan weerar lamid ah kii Qaza lagu qaaday, waa arin ka tarjumeysa dacfiga ay wajahayaan muslimiinta, kuwaasoo markii ay ka tageen Jihaadka oo ah masdarka awoodooda ay kusoo dhiiradeen umadaha caalamka oo ay Yahuuddu kamid tahay.

Tobanaan qoysas muslimiin Filastiiniyiin ah ayuu gablamiyay Yaa’iir Labiid ra’iisul wasaaraha Yahuudda, kuwaasoo waayay xubno muhiim ah oo katirsan qoysaskooda, kudhawaad 60 ruux ayaa ku shahiiday duqeymihii Qazza, boqoolaal kalena way dhaawacmeen, dadka ehelladooda waayeyna waxaa kamid ah haweeney caruusad ahayd oo galbinteedu sacado ka dhineyd, taasoo zowjkeeda duqeynta Yahuuda lagu dilay, iyo sidoo kale hooyo Filastiini ah oo weysay hal gabar oo ay ilmo oo dhami ka dhashey.

06-dii Ogosto galabnimo Jimco ah, waxaa hawada Qaza soo buux dhaafiyay diyaarado kala duwan oo kuwa dagaalka ah, taasoo ka dhigneyd bilaabashada duqeymo aan loo meel dayeynin.

Khaliil Iyaad Abuu Xamaadah, waa wiil ay keligii hooyadiisu heysatay, hooyadii oo lagu magacaabao Najwa ayaana 12 sano oo xiriir ah waxay sugeysay in maalin un hooyo la yiraahdo, dhowr iyo toban qaliin ayaana lagu sameeyey.

Sida ay sheegeyso Najwa aad ayay ugu faraxday mowluudka cusub ee uu Allaah ku arzaaqey, umana hanqal taagin xitaa iney hesho caruur kale oo isaga la dhalatay, balse farxadaas ay mudada ku jirtey waxaa bedeley sawaariikhdii khiyaanada iyo qadriga ee Yahuudda.

“ Duqeynta nalagu dhuftey waxay ahayd mid xoogan, guriga ayaa nala gariirey, waxaan u maleeyey inuu nagu soo dumi doono, laamiga ayaana u cararay anigoo raadinaya Khaliil, uuro iyo qiiq madow ayaana cirka isku shareeray, wiilkeygana waxaan ku gartey dharkii uu xirnaa, isagoo ku dhexjiro dhiig aad u badan, gantaal Yahuudu soo rideen ayuuna nolosha ku waayay, sidaasoo ay tahayna waxaan ku qeyliyay gurmad gurmad, badbaadiyay wiilkeyga” ayay tiri hooyo Najwaa oo halkii wiil oo ay caruur dhan ka heysatay ku shahiiday duqeynta diyaaradaha Yahuuda ay dhawaan ka geysteen Jiida Qazza.

“ Waxaa la yaab leh inaan anagu u gurmano dadka, marka ay duqeymuhu dhacaan, oo gaari ayaan heysanay, laakiin markaan anaga gurmadka u baahanay gaarigii laftiisa wuu burburey, Subxanallaah, Laa xowla walaa quwata illaa billaahi” ayay hadalkeeda sii raacisay hooyo Najwaa iyadoo murugo laga dareemayo, ixtisaab iyo sabarna la imaaneysa.

Halkaan Ka Dhageyso Warbixin Shan Arimood Oo ay Yahuudu Kalahaayeen Duqeyntii Qaza.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular