Maalinba maalinta ka dambeysa waxaa sidii sidii tusbax go’ay oo kale isku raac raacaya fashilka ciidamada shisheeye ee duullaanka shareeca la diirka ah ku qaaday dalka Maali, iyagoona hadda wajahaya xaaladihii ugu cuslaa, maadaama khilaaf iyo is jiid jiid badan uu ka dhex taagan yahay dowladaha ku bahoobay duullaanka ka dhanka ah Muslimiinta.
Iyadoo ay taasi jirto ayaa waxaa xaaladda uga sii daray carada bulshada ku nool dalkaas ay u qaadeen gumeysiga la wareegay dhulkooda. waxaana boqallaal ruux ay dibad baxyo hor leh ka dhigeen magaalooyin kala duwan oo ku yaalla dalka Maali.
Dadkaan isku soo baxay ayaa doonaya in sida ugu dhaqsiyaha badan ay ciidamada shisheeye ,haddii ay ahaan lahaayeen kuwa lamagac baxay Barkhaan ee ay hor boodeyso dowladda Faransiiska ama Minosma ay isaga baxaan dalka Maali.
“Awoodda nool” ayay hal ku dhig ka dhigteen dadkaan, waxaana badankood ay isugu soo baxeen magaalada Gawu oo dhacda woqooyiga dalka Maali, kuwaas oo dalbanaya in 72 saac gudahood ay ciidamada shisheeye kaga baxaan dalka.
Ciidamada Faransiiska ayay diiradda saarayeen dibad baxayaasha, Magaaladaan ayaa waxaa ku sugan cutubyadii ugu dambeeyay ee ciidamo Faransiis ah, kuwaas oo lagu wado iney ujaheystaan dhanka dalka Neyjar oo daris la ah Maali.
Bilihii lasoo dhaafay waxaa sii xumaanayay cilaaqaadka diblimaasiyeed ee ka dhaxeeya Madaxda Milleteriga dalka Maali iyo xukuumadda Paris, wuxuuna khilaafkooda cirka isku sii shareeray wixii ka dambeeyay markii ay Maleeshiyaadka calooshood u shaqeyataaasha Fangar ee ka socda Ruushka sooo gaareen dalka Maali.
Warbaahinta Faransiiska oo iyada si aad ah utabineysa wararka la xiriira dalka Maali ayaa sheegeysa in dibad baxayaashaan ay wateen boorarar ay ku xardhan yihiin hal ku dhigyo ka dhan ah ciidamada shisheeye ee duullaanka ku jooga dalkooda, waxayna muujiyeen ineysan marnaba ku raali noqon doonin in hal askari uu gumeysi kusii jooga waddanka.
Dhinaca kale waxaa sii xoogeysanaya xiriirka u dhexeeya dowladda Maali iyo Ruushka, waxaana xukuumadda Bomako ay sheegeysaa in xukuuadda Moscow ay kala wareegtay agabyo milletari, iyo 5 diyaaradood oo isgu jira Hlelokobtarro iyo kuwa dagaalka.
Isagoo kalimad ka jeedinayay kulan ay soo xaadireen diblimaasiiyiin ka socda dowladda Ruushka iyo madax katirsan xukuumadda Bomako, ayuu wasiirka difaaca ee Maali sheegay, in xiriir wanaagsan uu kala dhexeeyo dowladda Ruushka, faa’iidada ka dhalata heshiisyada ay gaarayaanna ay wadaagi doonaan labada dhinac.
Markii uu xumaaday xiriirka ka dhaxeeya Faransiiska iyo Maali waxay xukuumadda Bomako soo abaabushay mojwado dibad baxyo ah oo looga soo horjeedo wujuudka ciidamada Faransiiska ee dalka, iyadoona bulshada ka gaday iney ku tiirsanaadaan xukuumadda Moscow oo ay badiil uga dhigtaan booskii Faransiiska.
Wixii ka dambeeyay xilligaas waxaa si muuqata usoo shaac baxay dadaalka ay xukuumadda Moscow ku bixineyso iney ka faa’iideysato fursaddaan qaaliga ah, maadaama ay saaran yihiin cadaadisyo badan, daanta kalena ay loolan xagga Mandiqadda ah kula jirto Faransiisa iyo dowladaha kale ee reer Yurub.
Moscow ayaa tiro diyaado Helkobtarro ah iyo kuwa dagaalka ugacan galisay xukuumadda Bomako, dalka Maali ayaana waxaa soo gaaray boqallaal ruux oo uu golaha Mellatariga ku sifeeyay, iney yihiin tabarayaal ka yimid dhanka Ruushka oo taageero ufidinaya ciidamada xukuumadda.
Tan ayaa cara galisay dowladda Faransiiska oo iyada umuuqata mid sii weyneysa wujuudkeeda Mandiqadda, Xukuumadda Paris iyo xulafadeeda reer galbeedka ayaana Maali ku eedeeyay iney adeegsatay Maleeshiyaadka calooshood ushaqeystayaasha Fangar, ee taabansan dowladda Ruushka, balse xukuuumadda Maali ayaa iska fogeysay eedeymahaas, iyadoona shaacisay in labada dhinac waa Ruushka iyo Maaliye ay ka dhxeyso cilaaqo soo jireen ah.
Wasiirka difaaca ee Maali ayaa sheegay in iskaashiga dhex maraya iyaga iyo Ruushka uu yahay mid ahmiyad weyn ugu fadhiya dowladda Maali, ayna ka faa’iideysan doonaan waxyaabaha loosoo bandhigayo, isagoona ballan qaaday xoojinta cilaaqaadka kala dhexeeya xukuuumadda Moscow.
“Intii aan awoodno waxaan xoojineynaa awooddeena xagga sahminta, innagoo adeegsanaya diyaaraha L39 iyo Sokhi 25, oo lagu daray diyaarado kale oo dagaal, taas oo ay sii dheertahay helokobtarro aan ka helnay dowladda Ruushka”, ayuu hadalkiisa sii raaciyay wasiirka difaaca ee dowladda Ruushka.
Sooma hadalqaandin mana cadeyn haddii ay jiraan macluumaadyo la xiriira hesiiska ay ku heleen agabyada intaa la eg ee uga yimid dhanka Ruusha, iyo haddii ay jiraan wax badiil ah oo ay xukuumadda Moscow usameysay Maali.
Si kastaba ha ahaatee waxaa dalkaan uu muddo sano ah uu la daalaadhacayaa hagardaamooyinkii ay badeen ciidamada shisheeye, haba ugu horreysee dowladda Faransiiska, balse waxaa wax lagu farxo ah in bulshadu ay ku baraarugtay dhagaraha shisheeyaha, Mandiqadda oo idilna hadda laga dareemayo baraarugaan oo hor seeday, in cadaasiyo xooggan ay soo food saaraan shisheeyaha jinsiyadaha kala duwan leh ee duullaanka ku jooga dalka Maali.
Waxaa intaasi sii dheer weerarada jihaadiga ah ee beegsanaya ciidamada huwanta ah, kuwaas oo iyagana kaalin lixaad leh ka qaatay sidii loo hor istaagi lahaa duullaanka shareeca la dirirka ah ee ay reer galbeedka kusoo qaadeen dalkaan, waxaana la xusuustaa in dalka Maali ay ka dheceen weeraro lagu dhiig bixiyay ciidamada Faransiiska iyo kuwa lale ee jinsiyadaha kala duwan leh.
Halkaan Ka Dhageyso Warbixin Shisheeyaha duullaanka ku jooga dalka Maali oo wajahaya xaaldo adag.