Ciidamo ka tirsan Xarakada Al-Shabaab ayaa abbaaro maqribkii gudaha u galay dhisme ay dagaan mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan DF, kaasoo lagu magacaabo hotel Xayaat.
Sida ay sheegayaan ilo wareedyada, weerarka ayaa ku bilowday qaraxyo sababay khasaare lixaadleh, waxaana xigay in dagaalyahanada Al-Shabaab ay u suura gashay inay gudaha u galaan xarunta kana geystaan toogashooyin.
Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyada weerarkan, waxaana ay xaqiijisay in dagaalyahanadeeda ay qabsadeen Hotelka, kana wadaan howlgalka toogasho ah oo lagu beegsanayo madaxda iyo saraakiisha ku jirta.
Wararka aan sidoo kale ka heleyno dhacdada ayaa waxay sheegayaan in qarax kale oo xooggan uu ka dhacay agagaarka Hotelka kaasoo lala beegsaday ciidamo gurmad ahaa, khasaare lixaad leh ayaana gaaray.
Goob joogayaal ku sugan isgoyska KM4 ayaa sheegaya iney maqlayaan rasaas ka dhacaysa gudaha Hotelka, waxay u muuqataa in dagaalyahanada Al-Shabaab ay beegsanayaan xubnaha DF ee halkaasi ku sugan.
Wuxuu soo kordha waan idiin soo gudbin doonnaa insha’allah.