Xilli DF ay warbaahinta Muqdisho ku amartay iney tabiyaan in weerarka hotel Xayaat lasoo afjaray, ayaa waxaa jirta xaqiiqo biyo kama dhibcaan ah oo sheegeysa in ciidamada Xarakada Al-Shabaab ay wali ku sugan yihiin goobta.
Dagaalyahan ka tirsan Xarakada Al-Shabaab oo kamid ah kuwa ka hawlgalaya Xayaat ayaa sheegay in ay wali ku sugan yihiin dhismaha, tan oo beenineysa sheegashada DF ee ah iney soo afjareen hawlgalka.
Dagaalka hotel Xayaat ayaa socda maalinkii labaad, waxaana jira khasaare badan oo ka dhashay, waxaa la filayaa in Xarakada Al-Shabaab ay warar dheeraad ah kasoo saarto weerarka.