Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa wali ka dagaalamaya gudaha hotelka Xayaat ee magaalada Muqdisho, waxaana hawlgalku uu galayaa saacaddii 13-aad.
Ciidamada DF ayaa ku jabay 9 isku day oo ay ku doonayeen iney ku galaan gudaha hotelka islamarkaana ay ku hakiyaan hawlgallada ay wadaan dagaal yahannada Al-Shabaab.
Xogtu waxay sheegeysaa in ciidamada Inqimaasiyiinta ah ee heysta hotelka ay sameysteen difaacyo adag, taasina ay DF iyo shisheeyaha ku kalliftay iney saaka madaafiic adeegsadaan, halka diyaaradaha Dronska ee Mareykankuna ay dhowr gantaal ku dhufteen hotelka.
Taliska ciidanka Xarakada Al-Shabaab waxay saxaafadda u xaqiijiyeen in dagaalyahannadoodu ay wali gudaha hotelka ka wadaan hawlgalka. “Dagaalkii bilawday shalay maghribkii ilaa hada waa uu socdaa. Ciidamadeenu waxay weli gacanta ku hayaan dhismihii cadawgu gabaadka ka dhigan jiray ee Xayaat. Waxaa jiray isku dayo fara badan oo ay soo sameeyeen maleeshiyaatka ridada ah iyo gaalo saliibiyiin ah oo usoo gurmaday, balse haleeyada Islaamku, Ilaahay mahadiis, jilibka ayay u aasteen, khasaare xooggana waa ay gaarsiiyeen” ayuu yiri Sheekh Cabdi Casiis Abu Muscab, afhayeenka ciidamada Al-Shabaab.
Isagoo sii hadlaya wuxuu sheegay in gudaha hotelka ay daadsan yihiin meydadka xubno kala duwan oo ka tirsan DF.
Waa weerarkii ugu cuslaa ee ka dhaca Muqdisho wixii ka dambeeyay markii uu madaxtooyada galay Xassan Sheekh, todobaadyo ka hor ayay ahayd markii uu Ra’iisulwasaare Xamsa walaac ka muujiyay weerarada Al-Shabaab islamarkaana sheegay in dowladdu ku dhow dahay iney kasii guurto Maka Al-mukarama oo degto Xalane, sababo la xariira amni darrada. Sidoo kale wuxuu weerarkan imanayaa xilli Xassan Sheekh uu dhowr jeer fagaarayaal ka sheegay inuu dagaal la galayo Xarakada Al-Shabaab.
Hala babiciyo galada iyo dhaba dhilifkoda odhan guul mujaxidinta xajiiro xajogto gesiyasha islaamka liban adunyo iyo aqeero ducadena aya idin kugarab tagaan inshaa aallah nasriga wudhowdahy guul waxan ahe qof idin tageero xar iyo xawen kunol baraawe